Guddoomiyaha Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in dhibaatooyin nololeed ay ka taagan tahay Degmadaas & deegaannada hoostaga kadib markii abaar saameyn taban ku reebtay saameysay dadka & Xoolaha ay dhaqdaan.
Ibraahim Aadan Guuleed Guddomiyaha Degmada Ceelwaaq oo la hadlay BBC ayaa sheegay in Dadka Degmadaan oo ah Xoolo dhaqato waayeen naqa xoolahoodu daaqi jiray, dhulkana uu yahay mid qalalan sida uu hadalka u dhigay.
Guddoomiye Ibraahim ayaa tilmaamay in Waraha ay biyaha ka cabbaan dadkaan ay qalaleen, halka Ceelasha qaar biyaha ay gureen, kuwa laga helayo biyo aan badneen waxa uu tilmaamay in aysan nadiif ahayn.
“Abaaro dhibaatooyin u geystay Dadka & Xoolaha ay dhaqdaan ayaa ka jira Deegaanno hoostaga Degmada Ceelwaaq, bilooyinkii lasoo dhaafay wax roob ah kama da’in, dadku waa xoolo dhaqato, waxaana ka go’ay waraha ay biyaha ka cabbaan, halka ceelasha biyaha oo biyo yareeyay marka xoolohu cabbaan waa ay dhimanayaan” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Ceelwaaq.
Waa uu sii hadlay Guddoomiyaha Degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in Dadka oo kunool Xoolaha ay haatan waayeen wax ay cunaan ama caano ay ka cabbaan, maadaama Xoolaha qudhooda ay waayeen wax ay afka geliyaan.
“Dadka qaar ayaa isaga tagay Degmada, halka kuwa awoodi waayay ay guryahooda joogaan iyaga oo aan heysan wax ay cunnaan ama cabbaan, waa halis kale oo sababi karta in ay dhintaan haddii aysan garab helin, waxaana dalbaneynaa in la gacansiiyo” ayuu sii raaciyay Guddoomiyaha Ceelwaaq.
Degmooyinka Gobolka Gedo waa kuwo qalalalan, inkasta oo ay u kala daran yihiin abaarta sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolkaas, waxa ay dalbadeen in dadka la gacansiiyo.

