Sunday, April 19, 2026
HomeWararDagaal ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Galgaduud & xiisad ka taagan

Dagaal ka dhacay degaan ka tirsan gobolka Galgaduud & xiisad ka taagan

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan una dhaxeeya laba maleeshiyo Beeleed aya waxaa uu ka dhacay degaanka Gaaragoyle oo 15KM u jirta Deegaanka Gadoon ee Gobalka Galgaduud.

Labada maleeshiyo beeleed ayaa waxaa la sheegay inay isku heystaan dhul galkaasi ku yaal, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in uu jiro khasaaro soo kala gaaray labada dhinaca ee dagaalamay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in in kastoo uu muddo kooban dagaalka socday weli degaanka Gaaragoyle lag dareemayo xiisad u dhaxeeysa maadaama ay wlei ishor-fadhiyaan.

Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin dagaalka maanta ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud, waxaana uu kusoo aadayaa xilli lagu guda jiro sidii loo dhameyn lahaa dagaalkii ka dhacay Deegaanka Xananbuure ee u dhexeeya labada Malayshiyo Beeleed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe