Waxaa Maanta Xaalad Deganaanshiyo Ah Laga Dareemayaa Deegaano Dhaca Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Oo Shalay Uu Ka Qarxay Dagaal U Dhaxeeya Labo Malleeshiyo Beelood Oo Wada Dega.
Dagaalkii Shalay Ugu Dambeeyey Ayaa Waxa Uu Ka Dhacay Nawaaxiga Deegaanka Kaxan-Dhaale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud.
Dagaalkaas Ayaa Waxa Ka Dhashay Khasaare Isugu Jira Dhimasho Iyo Dhaawac intaba Inkastoo Aan Tiro Ahaan Aan La Xaqiijin Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkaasi.
Mid Ka Mid Ah Dadka Deegaanka Oo Aan Goor Dhaw La Hadlay Codka Gobollada Dhexe Ayaa  Sheegay In Hadda Xaaladda Deegaanka Ay Degan Tahay Isla-markaana Aanay Jirin Wax Xiisad Colaadeed Oo Maanta Deegankaasi Ka Taagan.
Waxa Uu Xusay In Illaa Iyo Hadda Aysan Jirin Cid Kala Dhex-Gashay Beelaha Halkaasi Ku Dagaallamay Balse Si Iskood Ah Labada Dhinac Ciidamada U Kala Qaadeen.
Dhinaca Kale Waxa Iyana Maanta Xaalad Nabad-Gelyo Laga Dareemayaa Degaano Hoos Taga Degmada Balan-Bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Halkaas Oo Toddobaadkaan Gudihiisa Ku Dagaallameen Labo Malleeshiyo Beeleed.
Ciidamada Xoogga Dalka Qaybtooda 21-Aad Ayaa Labo Maalin Ka Hor Ku Baxay Deegaankaasi Si Ay U Kala Dhex-Galaan Beelaha Dirirtu Ka Dhaxeyso.
Guddoomiyaha Degmada Balan-Bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Jaamac Xeyle Max’ed Ayaa Codka Gobollada Dhexe U Sheegay In Hadda Xaaladdu Degan Tahay Isla-markaana Ciidamadu Ku Guuleysteen In Ay Kala Qaadaan Beelihii Dirirtu U Dhaxeysay.
Guddoomiyuhu Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay In Aysan Jirin Wax Wada Hadal Ah Oo Hadda Ka Hor Dhex-maray Dhinacyada Dirirtu Ka Dhaxeyso Balse Taa Badalkeed Waxa Uu Tilmaamay In Maanta Lagu Madal-san Yahay In La wada Hadashiiyo Dhinacayada Dagaallamaya.
Odayaal iyo Wax-Garad Ka Kala Socda Labada Dhinac Ayuu Sheegay In Ay Ka Wada-Hadlayaan Sidii Loo Dhameyn Lahaa Colaadaan Kasoo Cusboonaatay Deegaano Hoos Taga Balan-Bale Isagoona Guddoomiyaha Rajo Wanaagsan Ka Muujiy In Guul Laga Gaaro Wada-Hadaladaasi.
Dagaal Beeleed Dhawaan Ka Dhacay Deegaano Dhinaca Galbeed Kaga Beegan Degmada Balan-Bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-Gaduud Ayaa Waxa Uu Ku Geeriyooday In Ka Badan 7 Ruux Oo Labada Dhinac Ah.