Monday, December 9, 2024
HomeWararWHO oo ka war-bixisay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya

WHO oo ka war-bixisay fatahaadda ka dhacday Soomaaliya

Dad kor u dhaafaya 695,000 Qof ayaa ku wax yeelloowday daadad ka dhashay Roobab lixaad leh oo sababay fatahaado ka dhacay Dalka Soomaaliya qaybo ka mid ah, sida ay sheegtay hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

War bixinta WHO, ayaa lagu sheegay in Maalmihii dhawaa oo kaliya ay guryahooda ka barakaceen ku dhawaad 215,000, Qof, daadad ka dhacay Gobollada Bakool, Banaadir, Baay, Hiiraan, Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Shabeellada dhexe.

Dadkan ayay hay’addu sheegtay inay si deg deg ah ugu baahn yihiin Hooy, Teendhooyin, adeeg Caafimaad,Cunno, Biyo nadiif ah, Musqulo, Mara Kaneecayaal iyo aalado kale oo ka saacidi kara nadaafadda.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sidoo kale ka digtay goobaha ay fatahaadaha ka dhaceen iyo meelaha Biyo fariisiga leh inay ka dhashaan Cudurro ay ka mid yihiin, Daacuun Caloolaha, Duumada iyo xanuunno kale oo ay sababaan Biyaha wasakhaysan.

WHO oo kaashanaysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa dhawaan 30.1 Ton oo Dawo ah geysay Magaalooyinka Balad weyne, Baydhabo iyo Kismaayo oo ah goobaha ugu daray ee ay qayla dhaantu kasoo yeereyso, waxaana weli soconaya dedaallo gurmad oo dhan walba leh oo ay wadaan hay’adaha sama falka iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe