Monday, May 18, 2026
HomeWararWeerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo...

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamo Itoobiyaan ah

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay weerar madaafiic ahaa ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya oo ka tirsan AMIISOM ku leeyihiin degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen jugta madaafiicda oo qaarkood ku dhacday Xerada Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo agagaarkeeda, balse aysan cadeyn karin qasaaraha ka dhashay.

Al-Shabaab oo ka hadlay weerarkaas ayaa sheegtay in 13 madfac ay la heleen Gudaha Xerada Ciidamada Itoobiya, isla markaana qasaaro xoogan ay ku gaarsiiyeen, balse aysan jirin dad madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan Ciidamada Itoobiya dhankooda ay weerarka madaafiic uga jawaabeen, isla markaana dhowr madfac ay ku tuureen degaannada ku dhow dhow degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degmada Waajid ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan, balse maalmihii la soo dhaafay ay kordheen weerrarada Al-Shabaab iyo howlgallo ay sameeynayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe