Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa bilaabay dadaalo looga hortgayo in uu markale dagaal dhaco xilli Ciidamada ay wataan Nuur Dheere Iyo General Abuukar Xuud fariisimo ka dhigteen Qeybo kamid ah Magaalada Beledweyne.
Odayaasha ayaa doonaya inay la kulmaan dhinacyada isheysta, sida Saraakiisha Ciidamada laagac baxay babdbaadada Hiiraan ee Janeraal Xuud & Nuur Dheere iyo sidoo kale Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan si xal looga gaaro khilaafka gaaray in la dahlgaalamo.
Iyada oo ay dadaaladaas socdaan ayaa hadana Ciidamada dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle waxaa la sheegayaa inay hareereeyeen Goob ay Beledweyne kaga sugan yihiin Janeraal Xuud iyo Nuur dheere, waxaana ay dageen meel u muuqata garoonka Kubada Cagta ee laqanyo Stadium oo ay ku suganyihiin ciidamada ay hoggaaminayaan Nuur dheere iyo Generaal Abuukar Xuud oo xalay fariisin Ciidan Halkaas ka samaystay.
Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa degan, hayeeshee dadka magaalada ayaa sheegay i ay cabai dareemayaan maadaama laba Ciidan ay ku wada sugan yihiin Magaalada.

