Saturday, April 20, 2024
HomeWararWeerar lagu qaaday saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya

Weerar lagu qaaday saldhigyo ay ku sugan yihiin Ciidamada Kenya

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ay Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland ku leeyihiin degaano ka tirsan gobolkaas.

Saldhigyada la weeraray ayaa waxaa ay kala yihiin kuwo ku yaalla degaannada Qooqaani iyo  Cabdalla biroole, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro labada dhinac kasoo gaaray dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbland ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay ka hortageen weeraradii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada Qooqaani iyo  Cabdalla biroole ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xaalada ay tahay mid degan, hayeeshee Ciidamada Kenya & kuwa Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe