Weerar ku billawday gawaari lagu soo xiray walxaha qarxa ayaa saakay aroortii waxa ay ‘AS’ ku qaadday deegaanka Xawaadley oo qiyaastii 20 KM u jirta Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe DG Hir-Shabeelle.
Dagaalka ayaa saacado socday waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac & mid maaliyadeed inkasta oo aan lagu sameyn tira-koob rasmi ah oo lagu shaacin karo inta uu gaarsiisan yahay.
Saraakiil katirsan DG Hir-Shabeelle ayaa u sheegay warbaahinta in dagaalka uu dhaliyay dhimasho & dhaawac, Ciidamada Federaalka-na ay iska caabbiyeen dagalamayaasha ‘AS’ ee duullaanka ku qaaday balse natiijada rasmiga ah dib kasoo sheegi doonnaan.
‘AS’ ayaa sheegatay in ay qabsatay xero Ciidamada Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, hub iyo Gaadiid ay lahaayeen Ciidamada saldhigga ku sugnaa ay qaateen waa sida ay hadalka u dhigeen.
Saldhigga la weeraray waxaa ku sugan Ciidamo katirsan Guutada 3aad qaybta 27aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, waxaa meel u dhow saldhig ku leh Askarta Midowga Afrika ee ATMIS oo wadajir uwada howlgalaan.

