Saturday, September 26, 2026
HomeWararMW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Baydhabo ka daah-furaya Shirka Dib...

MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta Baydhabo ka daah-furaya Shirka Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Magaalada Baydhabo ka daah-furaya Shirka Dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo abaabulkiisa muddooyinkii dambe ka socday xarunta Gobolka Bay.

Wafdi hordhac u ah Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo uu kamid yahay Agaasimaha Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa tegay Magaalada Baydhabo si uu u abaabulo soo dhaweynta Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Marka uu tago Magaalada Baydhabo waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadanayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Madaxda Koofur Galbeed, Xubnaha mucaaradka & dhinacyada udub dhexaadka u ah dib u heshiisiinta la sameynayo.

Madaxweynaha JFS ayaa dhinacyadaas ka dhageysan doonna sida loo wajihi karo dib u heshiisiin dhammeystiran oo is faham & isu soo dhoweyn ka dhex dhalisa dhinacyada ku kala aragtida duwan Siyaasadda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe