Weerarka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa waxaa uu ka dhacay Bar-koontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo ku yaal Garoonka Diyaaradaha Shaafi Gaduud ee Magaalada Baydhabo.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Barta-koontorool laga ilaalinayay Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo, waxaana ka dhacay dagaal kooban oo dhex-maray Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Ururka Al-Shabaab.
Dad ku sugan agagaarka Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana dad ku dhaawacmay dagaalka la keenay Isbitaalka Magaalada Baydhabo.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas lagu qaaday Barta-koontorool ee laga ilaaliyo Garoinka diyaaradaha Magaalada Baydhabo, waxaana ay sheegeen inay ku dileen laba askari mid kalena ay ku dhaawaceen.
Saraakiisha Cuudamada Koonfur Galbeed oo ka howlgalla Magaalada Baydhabo weli kama hadlin weerarkaas, waxaana dhowr jeer Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo.

