Wednesday, November 29, 2023
HomeWararDibaddaKu dhawaad 10 ruux oo ku geeriyootay fatahaada ku dhufatay Baledweyne

Ku dhawaad 10 ruux oo ku geeriyootay fatahaada ku dhufatay Baledweyne

Waxa sii kordhaya tirada dadka ku geeriyooday fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka geystay xaadafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay warbaahinta u sheegen maamulka degmada Baledweyne.

Maaamulka degmada Baledweyne ayaa sidoo kale sheegay in fatahaadu ay sababtay khasaare hantiyadeed oo baaxad leh iyo barakacii ugu xoogana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Duqa degmada Baledweyne Nadar Tabaax ayaa sheegtay in hay’addaha samafalka ay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladaha ka dhashay fatahaada ee lasoo daristay dadkii ku noolaa xaafadaha Baledweyne oo intooda badan u barakacay Ceel jaalle.

Marwo Nadar ayaa sidoo kale dalbatay in gurmad deg deg ah lala soo gaara dadka reer Baledweyne ee sida weyn u saameysay fatahaada.

Si kastaba waxaa xusid mudan in xaafadaha Baledweyne ay wali ku dhex go’doonsan yihiin qoysas badan oo isugu tagay dhulalka taaga ah ee ku yaala xaafadaha Baledweyne, iyadoo biyaha wabiga ay sii xoogeysanayaan saacadba saacada ka dambeysa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe