Friday, February 14, 2025
HomeWararDibaddaWasiirka Cadaaladda oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Cadaaladda oo magaalada Qaahira kula kulmay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallim Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalka, ayaa gaaray dalka Masar.

Wasiirka Cadaaladda iyo wafdiga la socda ayaa Qaahira ku tegay casuumaad uu u fidiyay wasiirka Cadaaladda Masar, Cumar Marwaan, oo ay dhawaan Ciraaq uga wada qeyb galeen meertadii 39aad ee golaha Cadaaladda ururka jaamacadda Carabta.

Sidoo kale Wasiirada Cadaaladda Soomaaliya iyo Masar ayaa yeelanaya kulamo ay uga wada hadlayaan horumarinta cadaaladda iyo Garaoorka, iskaashiga oo xoojinta xariirka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Dowladda Masar ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka xiriirka wanaagsan kala Soomaaliya, iyada oo Soomaaliya ka taageerto dhanka waxbarashada, Caafimaadka iyo tababaridda ciidanka Qalabka Sida, sidoo kale sanad waliba yaa dalkaas waxaa waxbarasho u aada Arday Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe