Home Warar Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Gaaray Gilinsoor

Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Gaaray Gilinsoor

533

Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu Hogaaminayo Oo ay Kamid yihiin Wasiiru Dawlaha Hawlaha guud iyo Guriyaynta ,Taliyaha Ciidamada Nabad sugida Galmudug iyo Saraakiil Katirsan Booliska Galmudug ayaa Maanta Gaaray Magaalada Gilinsoor Ee Gobolka Galgaduud Halkaasi oo ay Kulamo Qaateen Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Deegaanka oo ay Kalahadleen  Sidii Xal loogu Helilahaa Dagaalada Qasaaraha Gaystay Ee Kasoocusboonaaday toolooyin Hoostaga Degaanka Kaxandhaale Ee Gobolkaani Galgaduud.

Salaadiinta Midkamida Beelaha Dirirtu Dhaxmartay Ee Daga Gilinsoor ayaa Soodhaweyay Nabadaynta uu Wado Wasiirka Arimaha Gudha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa Dadaal Dheer Sidii ay Odayaasha dhaqanka uga Dhaadhin Lahaayen in Nadada La islaqaato Lagana Tanaasulo Colaadaha Soolaalabta.

Wafdigaan uu Hogaaminayo Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa Xalinta Colaada Kaxandhaale u jooga Deegaanada Galmudug Waxaan ay Bilaabeen in ay Kulamo Laqaataan Beelaha Dirirtu Kudhaxmarayso Tuulooyinka Hoosyimaada Deegaanka Kaxandhaale Walow Midkamida Beelaha Dagaalamaya ay Sicad u sheegtay in aysan Aqbalidoonin in ay Xalinta Dagaalkaan Dhaxdhaxaad Kanoqdaan Xildhibaanada iyo Wasiirada Kasocda Dawlada Fidraalka Ee u yimid sidii Xal loogagaari laha Colaada Dabada Dheeraatay Ee Beelahaan Kudhaxmartay woqooyiga Gobolkaani Galgaduud.