DEG DEG: Wasiirka amniga qaranka Israa’iil, Itamar Ben Gvir, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo guud ahaan la galiyay Israa’iil, wuxuuna amar ku bixiyay in la qoro dhammaan mutadawiciinta ku biiraya Booliiska.
𝐖𝐚𝐫𝐚𝐫 𝐝𝐡𝐞𝐞𝐫𝐚𝐝 𝐚𝐡;
•Koonfurta Israa’iil, korontada ayaa ka go’an, halkaa oo bartilmaameed u ah Xamaas , dagaalkana uu ka socdo.
•Gantaallo ayaa lala beegsaday Tel Aviv.
•Xamaas ayaa gantaalo hor leh ka soo gantay Qaza.
•Wariyaha Aljazeera Sara Khairat, oo ka soo waramaaya bariga Quddus ee la haysto, ayaa sheegtay in Dawladda Israa’iil ay xaqiijisay in tirada Israa’iiliyiinta la dilay ay kor u dhaaftay ugu yaraan 40 qof.
•Dhinaca Wasaaradda Caafimaadka Falastiin, war ka soo baxay ayaa lagu xaqiijiyay 161 qof in lagu dilay duqeynta Israa’iil ee Qaza.
•Ra’iisul wasaaraha Israa’iil , wuxuu sheegay inay Xamaas ka shaleyn doonto weerarrada ay wado ,isagoo midnimo ugu baaqay Dadka Israa’iil.
• Wasiirka Waxbarashada Israa’iil wuxuu shaaciyay in dhammaan goobaha waxbarashada berri la xiri doono.
• Mareykanka, wuxuu sheegay inay heerka u sarreeya u cambaareynayaan weerarrada uu ugu yeeray “ inay geysanayaan argagixisada Xamaas”.
• Iiraan ayaa dhankeeda taageertay Xamaas , waxayna sheegeen inay ku garabtaaganyihiin dagaalka.
•Xamaas , waxay gudaha u galeen saldhigyo ciidan ee Israa’il, sidoo kale muuqaallo la arkay ayaa muujiyay saldhig ciidanka cirka Israa’iil oo ku dhow Qaza oo laga daabulayo diyaaraddo iyo agabka ciidanka cirka.
•Falastiiniyiinta ayaa ‘qabtay’ askarta Israa’iiliyiin oo laga aqoonsaday taliyaal ciidan, wallow dhinaca Israa’iil aan laga xaqiijin. Wararka Dadka la qabtay tirada dhabta ah lama hayo in ka badan 50 ayaa la xaqiijiyay, saacad walbana tiro dheerad ah ayaa la arkaya.
•Ciidamada Israel ayaa weerarro cirka ah ka wada Qaza. Diyaaradaha ayaa duqeynaya saldhigyada ay ku tuhmayaan Xamaas.
•Dadku ku nool Qaza ayaa kaydsanayaan waxyaabaha daruuriga ah iyagoo filaya falcelin weyn oo ka imanaysa Israa’iil.
•Su’aallaha la is waydiinayo ayaa ah in weerarradan ay la kulmayaan Israa’iil, iyadoo hay’adda sirdoonka ee awoodda badnayd ee Mossad ay oggaan wayday howlgallada dhul, bad iyo cir ee Xamaas.
•Balse, mid ka mid ah jahwareerka ciidanka Israa’iil iyo waxa fududeeyay in difaacooda la jabiyo, waxaa lagu sheegay Xamaas inay dhex gashay xiriirka ciidanka Israa’iil.
•Magaalada Tel Aviv, jidadka iyo xeebaha gabi ahaanba waa faaruq. Ciyaaraha kubbadda cagta waa la joojiyay.Xataa magaalada waqooyiga ku taal ee Haifa, oo qiyaastii 150km (93 mayl) u jirta Qaza, Bandhiga Filimada Caalamiga ah ee sannadlaha ah waa la joojiyay.

