Wasiirka Wasaaradad Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay guud xaqiijineyso amniga dalka maadaama la galaayo waqti adag oo doorasho.
Waxaa uu sheegay in sugida Amniga kaliya aan qoray loo adeegsan doonin,sidoo kale ay wacyigelin ku maareyn doonaan, waxaana uu Bulshada ugu baqay inay Ciidamada Amniga kala Shaqeeyaan sugida dhinaca Amniga.
Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday mudisho ayaa sheegay in mas’uuliyiinta xilka haaya & kuwa hadda doonaya ay jecel yihiin in qof walba waqtiga uu joogo uu amniga hagaagsanaado,sidaas daraadeedna ay muhiim tahay in laga wada Shaqeeyo.
“ Magaaladaan & magaalooyin kale oo badan waxaa ay galayaan doorashooyin anaga amniga ayaa naga quseeyo, waxaana ogahay mas’uuliyiinta xilka haaya iyo kuwa doonaya intaba waxaa ay ka mideysan yihiin dad mas’uuliyiin soo noqday oo mas’uuliayda dareesan oo maalintii ay joogeen jeclaa inay waxwalba isku toosnaadaan, walaalahooda hadda jooga ragga wax raadinaya u jeclaayeen maalintaas ayay mas’uuliyiinta hadda jooga u jeel yihiin ayuu yiri” Wasiir Xundubeey.
Sidoo kale wasiirka waxaa uu sheegay in Amniga uusan laheyn mucaarad iyo muxaafid, waxana uu ugu baaqay mas’uul kasta ee dalka jooga ama xildoon ah inay amniga wada ilaaliyaan.
Hadalka Wasiirka Wasaaradad Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay ku shirsan yihiin Muqdisho, iyaga oo kasoo horjeestay Guddiga doorashooyinka oo ay Xukuumadda Soomaaliya magacaawday.