Friday, July 10, 2026
HomeWararDibaddaWasiir Fiqi oo sheegay in Xukuumadda ay garab taagan tahay Ciidamada dowladda...

Wasiir Fiqi oo sheegay in Xukuumadda ay garab taagan tahay Ciidamada dowladda ee ku sugan Gobolka Mudug

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo socdaal shaqo kujooga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa maanta booqday taliska Gorgor ee ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ciidamada gaarsiiyay farriimo uu ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo Wasiirka ka dhageestay Saraakiisha Ciidanka diyaargarwogooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah As ee ka socda dalka gaar ahaan Gobolka Mudug.

 

Axmed Macallim Fiqi Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa Ciidama kala hadlay xaaladda iyo sida hoggaanka dowladda heearkeeda kala duwan uga go’an tahay dagaalka ka dhanka ah As, isaga oo bogaadiyay howlaha ay qaranka u hayaan, xilli uu sheegay in ay garab taagan yihiin oo dhirrigelinayaan ciidamada.

 

Booqashada Wasiirka Arrimaha gudaha ee xeradaan ayaa qeyb ka ah abaabulka hawgalka ka dhanka ah As, kaas oo ka socda Gobollada dalka, gaar ahaan Gobollada Galgaduud, Mudug, Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxda ugu sarreysa dowladda dhexe oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe