Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Saraakiil kale, ayaa maanta kormeeray Xerada Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed ee ku sugan Degmada Qadiimiga ah ee Cadale.
Kormeerka Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo Saraakiisha kale ayaa daaranaa u kuurgelida hanaanka shaqo, Badqabka iyo Dhiirigalinta Ciidanka Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed eek u dhaqan Degmada Cadale oo dhacda Gobolka Shabeelaha dhexe.
Ciidanka Daraawiishta Boliisku ayaa qeyb ka ah, Difaaca Waaxaha Qaranka, waxeyna waajibaadka difaaca la wadaagaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyaga oo qeyb ka qaata howlgalada ka dhanka ah As ee ka socda Gobollada dalka. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Ciidanka Daraawishta Boliiska ee ku sugan Degmada Qadiimiga ah ee Cadale oo ka tirsan Gobollka Shabeelaha dhexe ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa qeyb ka ah hanaan dhimista Ciidanka ATMIS iyo kala wareegida xeryaha iyo fadhiyada la qorsheeyay.

