Wednesday, March 19, 2025
HomeWararWasiir Darwiish Oo ka Hadlay Dhul Muran Badan Dhaliyey Oo Ku Yaal...

Wasiir Darwiish Oo ka Hadlay Dhul Muran Badan Dhaliyey Oo Ku Yaal kismaayo

Maxamed Warsame Faarax Darwiish Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland oo ku baxay muran ka dhashay Dhul la siiyay Dowladda Qadar in ay ka dhisto Goobo Waxbarashado.

Dad sheegtay in ay leeyihiin Milkiyadda Dhulka ayaa isku dayay in ay is hor istaag ku sameeyaan dhagax uu ku sameyn rabay Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Faarax Darwiish ayaa ku qanciyay qoysaskii dhulka lahaa in Maamulka Jubbaland uu siin doono dhul kale oo kan loogu badali doono.

Waxa uu intaa ku daray in Wasaaradda Howlaha Guud ay waajib ku saaran tahay sidii ay ula socod laheyd dhulalka danda guud.

Dadka muranka ka keenay Dhismaha Dhulkaan ayuu sheegay in uu ka dhaadhiciyay in Goobaha laga dhisayo ay wax ku baran doonaan Ubadkooda, sidaa awgeedne ay ku aqbalaan go’aankaan.

Wasiir Darwiish ayaa sheegay in isaga xitaa hadii looga baahdo dhul uu leeyahay in lagu sameeyo howl dan guud ah uu diyaar u yahay, sababta waxa uu ku sheegay inay tahay in laga fakiro Mustaqbalka Jiilka dambe.

Magaalada Kismaayo iyo duleedkeedaba waxaa marar badan ka dhacay is qab-qabsi ka dhashay muran dhuleed, waxaana qaarkood ka qayb qaatay Ciidamada Maamulka Jubbaland oo u kala saftay dhinacyada dhulka isku qabsaday.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe