Sunday, July 12, 2026
HomeWararDibaddaWasiir Cabdirisaaq oo faahfaahin ka bixiyay ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu...

Wasiir Cabdirisaaq oo faahfaahin ka bixiyay ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Maxaas

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ku sugan dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qorshaha safar uu shalay galinkii dambe ku gaaray Maxaas madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa sheegay in safarka madaxweynaha dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud uu yahay mid daaran dardar galinta howlgalada ka dhanka Ururka As iyo sidii uu u dhiiragalin lahaa ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda.

“Madaxweynaha sida aad la socotaan mudo bila ah ayuu Dhuusamareeb u joogay dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda shabaab hadana Maxaas wuxuu u yimid si uu usii laba jibaaro dagaalka As lagula jiro iyo sidii loo sixi lahaa madmadowga kasoo laabtay howlgaladii dhacay mudadii uu Dhuusamareeb joogay sida wixii Coosweyne ka dhacay oo kale ineysan markale dhicin” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar.

Wasiiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo horeyna usoo noqday wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay in Maxaas ay tahay furin muhiim u ah dagaalka horayna ay u aheyd furimahii ugu horeyay ee As laga saaray, islamarkaana uu haatan madaxweynaha kasii hogaamin doono howlgalada.

“Madaxweynaha waxuu Maxaas u yimid sidii ciidanka deegaanka ee Macawiisleeyda uu ugu biirin lahaa iney kuwa qaranka kala qeyb qaataan dagalaka Shabaab, maadama Macawiisleeyda reer Hiiraan ay ahayeen kuwa ugu horeeyay ee dadka Soomaaliyeed iyo dunida tusay in lala dagaalami karo Shabaab, kuwaas oo ka xureeyay dhamaan bariga gobolka Hiiraan iyo qeybo ka mid ah Shabeellaha dhexe” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq Cumar.

Si kastaba ha ahaatee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shalay gaaray Maxaas  ayaa saacadahii lasoo dhaafay kulamo lagu dardar galinaayo dagaalka As, halkaas kula qaatay masuuliyiin kala duwan oo isugu jira heer fedaraal iyo heer gobol, waxaana sido kale lagu wadaa inuu la kulmo saacadaha soo socda waxgaradka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Maxaas.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe