Sunday, July 12, 2026
HomeWararDibaddaDowladda Soomaaliya oo furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud ku celisay 1,500 askari

Dowladda Soomaaliya oo furimaha dagaalka ee gobolka Galgaduud ku celisay 1,500 askari

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo cusub geysay jiidaha hore ee dagaalka, gaar ahaan bariga gobolka Galgaduud, kadib maalmo ay ciidamadaasi dib ugu gurteen deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Ciidamo gaaraya 1,500 oo askari ayaa loo diray gobolka, waxaana saraakiil ay horkacayaan xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka ay ku sagootiyeen ciidamadan magaalada xeebta ah ee Cadale.

Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa u rajeeyay Ciidanka Xoogga Dalka inay dhawaan As ka saari doona jiidaha hore ee dagaalka.

“Waxaan halkan idinku adkaynaynaa in dawladdiinu ay garabkiina tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Fareey oo ka hadlayay munaasabadda sagootinta ciidanka.

Tan iyo markii ciidamada qaar ay faarujiyeen jiidaha hore ee dagaalka ayaa waxaa socday dadaalo lagu doonayo in ciidamada lagu qanciyo inay dib ugu laabtaan xeryahooda, ayna dib u bilaabaan dagaalada ay kula jiraan kooxda As.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe