Wednesday, April 22, 2026
HomeWararDibaddaWasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta oo sheegaty in loo tartamayo mashruuca dhismaha...

Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta oo sheegaty in loo tartamayo mashruuca dhismaha Wasaaradda

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in loo tartamayo mashruuca dhismaha wasaaradda oo dhawaan la bilaabi-doono.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukummada Federaalka Soomaaliya oo gudanaysa waajibaadkeeda Qaran, waxay ku wargelineysaa dhamaan Shirkadaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya dhismaha in ay Wasaaraddu dhowaan bilaabeyso hirgelinta dhismaha xarunta cusub ee ay Wasaaraddu yeelanayso.”

Xaruntan cusub ee Wasaaradda ayaa waxaa laga dhisayaa qeyb ka mid ah xarunta weyn ay hada ku shaqayso wasaaradda, taas oo ku taala degmada Xamar weyne kuna dhaggan maxkamada Gobolka Benaadir, wuxuuna dhismaha xaruntan ka koobnaan doonaa 6 dabaq, cabirkiisuna yahay 4,500 mitir square. Sida lagu yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda.

Wasaaradda ayaa shaacisay in shirkaddii daneyneysa inay ka qeyb gasho tartanka qandaraaska

dhismaha xarunta Wasaaradda, buuxinna karta shuruudaha hoos ku qoran, kuwaa oo kale ah:- waxaa

Shuruudaha looga baahan yahay Shirkadda iney soo buuxiso:

  1. In ay tahay shirkad waddani ah.
  2. In ay leedahay khibrad shaqo dhismo oo dhan muddo10 sano ah
  3. In ay awood iyo farsamo u leedahay hirgelinta dhismo noocan ah
  4. In ay soo gudbsio CV-yada shaqaalaheeda hormuudka ah sida:
  5. Inay ka diiwaan gashan tahay Wasaaradda howlaha guud, tahayna canshurur bixiye aan canshuur lagula laheyn.
  6. Inay keento xisaab Bank oo dhan muddo lix bilood ah (Bank Statement) 7. Inay keento dhamaanad maaliyadeed (Bank Grantee).
QORAALADA LA XIRIIRA

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe