Wariye Aadan Xaaji Cabdulle (Aadan Sooyaal oo ka tirsan Warbaahinta Qaranka gaar Wakaaladda Wararka SONNA ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii lagu weeraray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho,kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah.
Wariye Aadan Sooyaal oo loo qaaday mid kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa la soo sheegaya in xaaladiisu ay tahay mid wanaagsan,waxaana uu dhaawacmay xili uu shaqada ka baxay islamarkaana ku wajahnaa xaafadiisa.
Sida uu soo sheegayo Tifaftiraha Guud ee SONNA C/raxmaan Cabdullaahi Maxamed waxaa halkaasi ku booqday Wariyaha mas’uuliyiinta wasaaradda oo uu ugu horeeyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane C/raxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala.
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhaawacmay uu kamid ahaa agaasimhii hore ee wasaaradda warfaafinta C/risaaq Cali Yuusf Bahlaawi, iyadoo Cisbitaalka Taarul-shifa uu ku booqday Agaasimaha Guudee Wasaaradda Warfaafinta Mudane Alcadaala
Ciidamada ammaanka ayaa toogasho ku dilay ragii weerarkaasi oo qaaday,mana jiraan warar rasmi ah oo hay’adaha ammaanka ay ka soo saareen khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey qaraxyadasi bahalnimada ah.