Ciidamada Ammaanka Dowladda ayaa waxa ay toogteen afar Ruux Oo Labisan Dareeska Ciidamada dowladda xili ay doonayeen in ay gudaha galaan Hotelka Saxafi kadib Qaraxyadii Is xig xigay ee ka dhacay Nawaaxiga Hotelka Saxafi.
Maleeshiyadaan ayaa la toogtay iyagoo hubeysan isku daygooduna ahaa in ay gudaha u galaan Hotelka ayna ka dhex dagaalamaan balse ciidamada ammaanka ayaa fashiliyay howlgalkooda.
Alshabaab waxa ay sheegteen in dagaalamayaashooda ay gudaha u galeen Hotelka Saxafi.