Home Wararka Maanta Wariye Hindiya Xaaji Maxamed Oo Geeriyootay

Wariye Hindiya Xaaji Maxamed Oo Geeriyootay

120

Allaha u naxariistee waxaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyootay Hindiya Xaaji Maxamed  oo ka mid ahayd wariyeyaasha ka howlgala Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka.

Hindiya ayaa dhaawac xooggan waxa uu kasoo gaaray qarax Miino oo la sheegay in uu ku xirnaa gaarigeeda, xilli ay kasoo baxday mid ka mid ah jaamacadaha ku yaalla degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Marxuumadda ayaa dhaawaceedu aad u darnaa sida ay sheegeen qaar ka mid ah dhaqaatiirta xaaladeeda ku dadaalayay, hase ahaatee tii Alle ay ugu dambeyn u timid oo ay geeriyootay.

Dhanka kale gabar lagu magacaabo Maryama Abdulsamad Mohamoud ayaa dhaawac fudud kasoo gaaray qaraxa, gabadhaan ayaa gaariga la saarneyd Hindiya, waxayna ka tirsaneyd shaqaalaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

Sanadkii 2012-kii ayaa qaraxyo ka dhacay maqaayad ku taallay Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Liiban Cali Nuur oo ahaa sayga Hindiya.