Abdulaahi Warsame Rooble iyo Mohamed Abdiwali Tooxow oo kala ah wakiil Wareedyad yada #SomnewsTv Iyo #UniversalTv ayaa lagu xiray goor dhaw saldhiga Degmada DHUUSAMAREEB.
Labadan Wariye ayaa waxaa xarigooda amray Madaxweyweyne Xaaf kadib markii ay shalay baahiyeen Muuqaalka xildhibaan Dhaliilay Madaxweyne Xaaf.
Waxaa jira wariyayaan kale oo lagu daba jiro oo aan wali la soo qaban.
Tan iyo markii Ay baahiyeen wariyayaashan muqaalka Mudanaha dhaliilsan Madaxweyne XAAF waxaa soo wajahay wariyayaashan Cabsi kaga imaanaysay Madaxda sare ee Maamulka Galmudug.

