Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanadii gobolka Sool ay ku dagaallameen Ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in wali halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal, waxaana ciidamada labada maamul ay jooggaan meelo aad isugu dhow.
Ciidamada maamulada Puntland, iyo kuwa Somaliland ayaa wali waxa ay ku sugan yihiin degaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada.
Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen dadka degaanka iyo Wariyeyaasha gobolka Sool, in labada dhinac ay wataan Boqolaal ka mid ah Gadiidka dagaalka taasoo dadka Cabsi weyn ku abuurtay.
Degaanka Tukaraq iyo Degaanka God qaboobe ayaa dadkii kunoolaa waxa ay bilaabeen in ay halkaasi ay ka barakacaan.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeysatay xiisadda dagaal maamulada Somaliland iyo Puntland.
Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday dagaal waqti dheer socon doona taasoo sii xumeysay Xaaladda degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee halkaasi ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 50 qof oo ah labaddii dhinac ee dirirto dhexmartay.