Iyadoo Dhawaan Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Ay Kuwada Dagaallameen Ciidamo kala Taabacsan Maamullada Puntland Iyo Soomaliland Ayaa Arrinkaas waxaa Ka hadlay Xubno Ka Tirsan Golaha Wakiilada Soomaaliland.
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Oo Ka Mid Ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Soomaaliland Oo Wareysi Siinayey Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee cadaado Ayaa Waxa Uu Beeniyey In Soomaaliland Ay Kusoo Duushay Dhulka Maamulka Puntland.
Xildhibaanka Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Deegaanka Tukaraq Ay Ka Mid Tahay Dhulka Soomaaliland Isla-markaana Puntland Ay Dooneyso In Dhulkaasi Xoog kula Wareegto.
Sidoo kale Waxa Uu Beeniyey In Dagaalku Uu ka Dhacay Deegaanka Tukaraq Gudihiisa Balse Uu Ka Dhacay Meel banaanka Ka Ah.
Dhanka Kale Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Oo ka tirsan Golaha Wakiilada Soomaaliland Oo hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu hoosta ka Xariiqay In Xukuumadda Soomaaliland Ay Ka Go’an tahay In Gudaha U Gasho Tukaraq Kana Shaqeyso danaha Iyo Horumarka Shacabka Ku Dhaqan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka Oo dhameystiran:-