Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in xiisad dagaal u dhexeysa maamullada Soomaaliland iyo Puntland ay ka taagan tahay deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.
Dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa lagu soo warramayaa in Ciidamada Soomaaliland iyo kuwa Puntland ay ka wadaan gudaha deegaankaasi.
Xiisadan ayaa la sheegay in ay timid, kadib markii labada maamul ay Ciidamo dheeraad ah ku daabuleen jiida hore ee dagaalka, sida ay sheegeen dadka deegaanka ah.
Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr jeer oo hore ku dagaalamay deegaanka Tukaraq ee G/ Sool, kuwaas oo waxyeelo ka soo gaartay dadRayid ahaa oo aan waxba galabsanin.