Thursday, February 13, 2025
HomeWararDiyaar Garowga Xuska 1-da Luulyo Oo Laga Dareemayo Muqdisho.

Diyaar Garowga Xuska 1-da Luulyo Oo Laga Dareemayo Muqdisho.

Iyadoo lagu guda jiro Todobaadka Xorriyadda Dalka, ayaa waxaa jira diyaar garow xooggan oo laga dareemayo magaalooyinka waa weyn ee dalka.

Meelaha sida weyn looga dareemayaa waxaa ka mid ah magaalada casimad ah ee Muqdisho diyaar garowga munaasabadda 1-da Luulyo oo ah maalin ku weyn quluubta Ummadda Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee gobolka Banaadir , oo laga dareemiyo sida ay ugu diyaar garoobeen fantasiyaha 1-da Luulyo ayaa ka hadlay dareenkooda ku aadan qiimaha maalintan.

Waxaana sidoo kale ay ka hadleen halgankii dheeraa ee loosoo maray xorriyada iyo madaxbanaanida dalka, iyagoona caranka ku dhuftay in ay mudan tahay in dadkaasi la xusuuto, islamarkaana lagu daydo.

Sanadkii 1960kii maanta oo kale ayey aheyd markii ay Xorriyada qaateen gobollada Koonfureed ee dalka. kuwaas oo Xorriyada ka qaatay gumeystihii Talyaaniga, sidoo kalena  ay si buuxda u midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe