Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa ku nuux-nuux saday baahida loo qabo in madaxda Soomaalida ay u midoobaan wax ka qabashada caqabadaha qaranka, intii uu ku guda jiray booqashadiisa Garoowe Sabtidii. Swan oo ay wehlinayaan saraakiil sare oo ka socda hay’adaha muhiimka ah ee Qaramada Midoobay ayaa la kulmay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay ka wada hadleen arrimaha mudnaanta u leh horumarinta, arrimaha amniga iyo doorashooyinka deegaanka ee soo socda.
Swan ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha Muqdisho iyo Garoowe, oo ay weheliyaan madaxda kale ee dawladdaha xubnaha ka ah dawladda Faderaalka, in ay “ka gudbaan khilaaf kasta oo jira” oo ay iska kaashadaan xallinta caqabadaha dalka. Waxa uu soo hadal qaaday horumarada la gaaray sanadihii ugu dambeeyay, waxa uuna carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la iska kaashado sidii shacabka Soomaaliyeed ay uga faa’ideysan lahaayeen.
“Si taas loo gaaro, waxaan ugu baaqayaa madaxda Muqdisho iyo Garoowe oo gacan ka helaya madaxda kale ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka in ay qaadaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay dib ugu bilaabaan wadashaqeyntii wada shaqeyneed.
Codsiga Swan ee midnimada madaxda Soomaalida ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada Puntland ee ku aaddan gooni-isutaagga. Bishii Maarso 2024, Puntland waxay kala noqotay aqoonsiga dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka dib markii wax laga beddelay dastuurka.
Iyadoo ay jiraan khilaafyo weli taagan, haddana dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dib u bilowday mashaariicdii horumarineed ee Puntland bishii June 2024. Madaxweyne Deni ayaa horay ugu baaqay deeqo caalami ah iyo taageero miisaaniyadeed oo toos ah, wuxuuna caddeeyay inay diyaar u yihiin wada hadal toos ah oo ay la yeeshaan dowladda Federaalka.
Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaa diiday warbixin federaal ah oo ku saabsan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab bishii Maajo 2024, taasoo muujineysa in weli la isku mari la’yahay xeeladaha amniga.
Wadahadalka uu la yeeshay Madaxweyne Deni, Swan waxa uu ku bogaadiyay dadaalka Puntland ay ugu jirto ka hortagga kooxaha argagixisada ah ee gobolka Bari iyo maaraynta colaadaha beelaha ee gobolka Mudug. Waxa uu sidoo kale walaac ka muujiyay dhacdooyinka soo cusboonaaday ee budhcad-badeednimada iyo saamaynta ay ku yeelanayaan sii socodka socdaalka.
Wafdiga Swan waxaa ka mid ahaa Crispen Rukasha oo ka socotay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), Ezana Kassa oo ka socotay hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAO iyo Prestage Murima oo ka socday hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.
Doorashada tooska ah ee la filayo inay dhawaan ka dhacdo gobolka Nugaal oo ay Garoowe ku jirto, laguna wado inay qabsoonto 23-ka bishan July, ayaa ahayd mowduuc muhiim ah. Doorashooyinkan ayaa ujeedadoodu tahay in lagu sii amba qaado guulaha laga gaadhay doorashooyinka deegaanka ee May 2023, xoojinta dimuqraadiyaynta iyo ka qaybgalka haweenka iyo dhalinyarada. Swan ayaa rajo ka muujiyay in doorashadu ay sare u qaadi doonto ka qaybgalka siyaasadda Puntland.

