Wednesday, April 29, 2026
HomeWararWafdi uu hoggaminayo Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Dhuusamareeb

Wafdi uu hoggaminayo Madaxweyne Qoorqoor oo gaaray Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminyay ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada caasimadda ah ee Dhusamareeb
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug mudane Maxamed Nuur Gacal, qaar ka mid ah xildhibaanada iyo wasiirada Galmudug, maamulka Caasimadda iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa muddooyinkii danbe safaro shaqo kaga maqnaa caasimadda kuwaas oo uu kusoo kala bixiyay qaar ka mid ah magaalooyinka Galmudug iyo kuwa Dalka.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa socdaalkan kusoo maray magaalooyinka kala ah Godinlabe iyo Mareergur halkaas oo uu si kooban kula kulmay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Godinlabe iyo mareergur.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe