Wafdi ballaaran oo ka socda dalka Uganda ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu qabanayo Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Uganda oo soconaysa 20-ka ilaa 23-ka Oktoobar 2026.
Madasha ayaa looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee labada dal, loo kordhin lahaa maalgashiga, loona abuuri lahaa fursado cusub oo ay ka faa’iideystaan ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa Uganda.
Waxaa madasha barbar socda bandhig ganacsi oo ay shirkadaha iyo ganacsatada labada dal ku soo bandhigayaan badeecadahooda, adeegyada ay bixiyaan iyo fursadaha maalgashi ee ka jira dalalkooda.
Waxaa la filayaa in kulanka ay ka qeyb galaan mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood, maalgashadayaal, ganacsato, shirkadaha wax-soo-saarka iyo dhoofinta, iyo hay’adaha ka shaqeeya dalxiiska iyo waxbarashada.
Kulankan ayaa sidoo kale fursad u noqonaya ganacsatada labada dal inay yeeshaan xiriir toos ah, isla markaana ay ka wada hadlaan sidii loo fududeyn lahaa ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha.
Uganda ayaa dooneysa inay ballaariso badeecadaha ay u iibgeysato Soomaaliya, halka ganacsatada Soomaaliyeed ay fursad u heli karaan inay la shaqeeyaan shirkadaha Uganda, gaar ahaan dhinacyada wax-soo-saarka beeraha, cuntada, caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada kale.
Xogta ganacsiga ee sannadkii 2024 ayaa muujinaysa in badeecadaha Uganda u dhoofisay Soomaaliya ay gaareen 6.78 milyan oo doollar, halka sannadkii 2023 ay ahaayeen 2.75 milyan oo doollar. Si kastaba ha ahaatee, ganacsiga Soomaaliya ay iyadu u dhoofiso Uganda ayaa weli hooseeya, taas oo muujinaysa baahida loo qabo in la kordhiyo badeecadaha ay labada dal kala iibsadaan.
Inta ay madashu socoto, waxaa sidoo kale dib loo eegayaa heshiisyadii ay labada dowladood hore ugu gaareen iskaashiga amniga, waxbarashada iyo maamulka socdaalka, iyadoo la qiimeynayo horumarka laga sameeyay fulintooda.
Soomaaliya iyo Uganda ayaa rajeynaya in kulankan uu horseedo heshiisyo ganacsi, maalgashi cusub iyo iskaashi dhex mara shirkadaha labada dal.
Madashan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Uganda, waxaana natiijadeeda lagu qiimeyn doonaa heshiisyada la gaaro iyo fursadaha ganacsi ee hirgala.

