Guddi culimo ah oo gacanta ku hayay kiiska wiil lagu muransanaa ayaa maanta go’aan kama dambays ah ka soo saaray dacwadda oo maalmihii la soo dhaafay ka socotay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Guddiga culimada ayaa ku dhawaaqay in Liibaan Tahliil Xaaji uu dhalay wiilka yar ee lagu magacaabo Maxamed, waxaana go’aankaas aqbalay Faarax Cawil oo isaguna sheeganayay inuu wiilka dhalay.
Kiiskan oo muddo dhowr sano ah taagnaa ayaa dhaliyay muran xooggan, waxaana la sheegay inuu sababay dhimashada toddobo qof iyo dhaawaca dad kale oo tiro badan.
Dacwadda ayaa si weyn looga hadal hayay bulshada dhexdeeda, iyadoo dadweynuhu si toos ah ula socdeen habka ay culimadu u maareynayeen muranka iyo go’aanka ugu dambeeya ee laga gaarayo.
Go’aanka guddiga culimada ayaa soo afjaraya murankii dhinacyada ka dhexeeyay, kaddib markii Faarax Cawil uu aqbalay natiijada lagu dhawaaqay.
Kiiskan ayaa ka mid noqday dhacdooyinkii sida weyn looga hadal hayay magaalada Gaalkacyo, sababo la xiriira muddada uu socday iyo khasaaraha nafeed ee la sheegay inuu ka dhashay.

