Home Warar Wafdi ka socda QM oo ku wajahan Dhuusamareeb & sababta oo la...

Wafdi ka socda QM oo ku wajahan Dhuusamareeb & sababta oo la shaaciyay

80

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa Maanta lagu wadaa in uu gaaro Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan.

Ujeedka safarka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya uu ku tegayo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay qeyb ka tahay safari uu ku tegayo dowlad goboleedyada, isla markaana uu kala hadlayo xalka gaarista muranka doorashooyinka.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan ayaa dhawaan tegay Magaalooyinka Garoowe & Baydhabo, isaga oo kulamo looga hadlayay doorashooyinka  la yeeshay Madaxdweynayaasha Koonfur Galbeed & Puntland.

Dhinaca kale wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo dhowaan fasax ku maqnaa in  uu dib ugu laabtay Muqdisho, waxaa uu maanta taleefan kula hadli doonaa Madaxda Soomaalida iyo mucaaradka si xal looga gaaro khilafka doorashooyinka.

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta in xal laga gaaro is mari waaga doorashada, iyadoo cadaadis ku saareysa dhinacyada kala duwan inay wada hadal yeeshaan maadaama mudad xilheynta Madaxda dowladda uu geba-gabo yahay