Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa kulamo la qaadanaya Wafdi ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe oo ku sugan Magaalada Muqdisho.
Waxa ay warbixino ka dhageysan Doonaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona dhankooda Socdaalkooda la wadaagaya Mas’uuliyiinta Dowladda ee ay la kulmayaan.
Wararka hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in ay Wafdiga u odorasayaan Xaaladda Amni ee Soomaaliya, Dhismaha Ciidamada Dowladda ee Sugidda ammanka Dalka kala wareegaya AMISOM iyo Isbadalka ka jira Soomaaliya.
Saraakiil katirsan Howlgalka Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Federaalka ayuu qorshuhu yahay in ay la kulmaan Wafdigaan Golaha Ammaanka ka socda ee Muqdisho soo gaaray.
Golaha Ammaanka ayaa qiimeyn ku sameynaya Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Howlgalada Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku howlgala, kahor inta aanan soo idlaan howlgalkooda.
Magaalada Brussels ee Xarunta Belgium maalmo kahor waxaa ka dhacay shir looga hadlayay Ammaanka Soomaaliya, waxaana shir gudoomiyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.