Dowladda Sacuudiga ayaa lagu wadaa in ay xayiraaddii saarneyd Xoolaha Soomaaliya ay qaaddo iyada oo muddo dhawr sano ah aan Xoolaha Soomaaliya loo dhoofin Sacuudiga.
Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha ee Sacuudiga ayaa sheegtay in baaritaan dheer ay ku sameysay waxyaabaha sababay markii horeba joojinta dhoofka Xoolaha Soomaaliya iyada oo markii hore la sheegay in Cudurro laga helay.
Inta badan Xoolaha Soomaaliya waxaa laga dhoofiyaa Dekadaha Berbera,Boosaaso,Muqdisho iyo Magaalooyin kale waxaase ay hakad ku jireen muddo dhawr sano ah.
Xiriirka ganacsi oo wanaagsan ayaa ka dhaxeeya dalalka Somaliya iyo Sacuudiga, waana midda keentay in hadda uu Sacuudiga wado qorshahaha ku aadan in la qaado Xayiraadaasi.