Tuesday, May 26, 2026
HomeWararWafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Masar

Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo shir uga qeyb galaya Masar

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadsa Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Qaahira ee Caasimadda waddanka Masar, halkaas oo ay shir uga qeyb galayaan.
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa garoonka caalamiga Qaahira kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Caddaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Wafdiga Wasiirka ayaa ka qayb geli doonna shirka Wasiiradda Cadaaladda ee Jaamacadda Carabta oo dhawaan ka furmaya Magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Wasiir Jaamac ayaa waxaa la filayaa in uu ka jeediyo shirka khudbad uu kaga hadlayo xaaladda dlaka Soomaaliya ee xilligaan, isaga oo sidoo kale la kulmi doona qaar kamid ah Wasiirada ka qeyb galaya Shirka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe