1-In ciidamada ilaalada madaxweynihii hore ee soomaaliya sheikh shariif taliye Macalin Mahdi uu ku tilmaamay maleeshiyaad hubeysan, ay yihiin ciidan ka tirsan CXDS Guutada 77-aad, gaar ahaan ilaalada madaxtooyo soomaaliya.
2-Inay yihiin ciidan xooga qaranka loo diiwaangeliyay kahor doorashadii 2009 Madaxweynihii hore sheikh shariif, ilaa iyo Maantana inay qataan mushaarkii milatariga iyo saraakiil guutada 77.
3-In Macalin Mahdi xiliga ay madatooyo ilaalinayay uu ahaa sargaal katirsan muqaawamo Iyo kooxo hubeysan ee xaafada siigaale iyo taleex habeenkii ka tuuryeen jirey ciidamada dowlada.
4-In ciidamadaan ay ahaayeen 2021/22 ciidamadii madaxweyene xasan sheekh iyo sheekh shariif ka difaacay weerarkii ciidamada madaxweynihii hore ee soomaaliya Maxamed Abdulahi Farmaajo ee mudo kororsiga difaaca ku qaadeen Hoteel Maida.
5-In Tababar , guulo qalcadeed iyo Darajo intaba macalin mahdi waa ka sareeyaan balse soomaaliya ayaanu ka jirin sharci,diiwaan kala sareen ciidan iyo aqoonyahan kala saara arimahan oo kale.
Qodobka 20-aad ee Dastuurka dalka ( hadii aan la fujin) waxa uu qeexaya xaquuqda muwaadinka uu u leeyahay Banaanbaxa.
Qodobkan wuxuu si cad u xaqiijinayaa in muwaadin kasta uu xor u yahay inuu abaabulo, ka qaybqaato, ama qabto bannaanbax nabadeed, iyo sidoo kale inuu sameeyo mudaharaad ama cabasho si waafaqsan sharciga.
Waa maxay shaqada booliiska ?
Qodobka 126-aad Faqraddiisa 4-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya Sida ku cad , shaqada booliska waxaa loo qaybiyaa afar waajibaad qaran.
A-Ilaalinta Nafta iyo Hantida
B-Ka-hortagga Dambiyada
C-Baaritaanka Dambiyada:
D-U-hoggaansanka Sharciga:
Mahdi Omar Mumin ( Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ) u hogaansan qodobka 126-farqada 4-aad Xarafkisa (D) oo sheegaya in booliiska ku shaqeeyaan si waafaqsan sharciga dalka iyo dhowrista xuquuqda aadanaha.
Xaalada Dadka ku nool magaalada muqdisho ayaa waxaa soo wajahaday cusub xoogan oo ku aadan in uu dhaco Dagaal.

