Wasiirka Maaliyada Xukuumada Fidraalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo Xalay Qaab Online ah uga Qayb galay Kulan ay yeesheen Wadamada Ku Bahoobay Naadiga Paris Club ayaa Waxa uu sheegay in Soomaaliya Naadiga uu Ka cafiyay 1.4 bilyan oo doolar.
Wasiirka Waxa uu sheegay in sidookale wadamada ay Bogaadiyeen Dadaalada dib loogu habeenayo Maaliyada Ee ay wado Soomaaliya.
Kadib Marka uu Kulanka Soo dhamaaday Wasiirka Maaliya Soomaaliya ayaa Yiri:-
 “Waxaa goor dhaw inoo soo gaba gaboobay shir (Video Conference) ahaa oo aan la galnay wadamada ku bohoobay Naadiga Paris {Paris Club} oo wadahadal dheer kadib si guul ah noogu soo idlaaday.
Waa taariikh kale oo baal dahab ah u galeysa bulshada Soomaaliyeed maadaama Naadiga Paris ay naga cafiyeen deyn dhan 1.4 billion Dollar.
Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan wadamada Paris club ee Soomaaliya ku garab istaagay dib-u-habeynta iyo horumar ka Maaliyadda dalka.
Wadahadlkeenu waxa uu soo saaray dowladihii deymaha nagu lahaa in ay noo muujiyeen ixtiraam ku aadan dadaalkii dheeraa ee aan soo galnay taas oo aan ku muteysanay in ay naga saamaxaan qeyb ka mid ah deyntii ay nagu la haayeen.
Waxaan u hambalyeynayaa ummadda Soomaaliyeed, Madaxda Dowladda FS iyo dhamaan Hey’adaha Dowladda ee nagala qeyb qaatay barnaamijka isbadalka Maaliyadda ee IMF SMP”.