Wadahadal saacaddihii lasoo dhaafay u socday Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxda ugu sareysa dalka sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa la isku mari waayay.
Waxyaabaha Wadahaddalada looga hadlaayay waxaa ka mid ahaa Kala diristii Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ciidankii dowladda dhexe ee Soomaaliya ay geystay Baydhabo iyo Musharaxnimadda Sheekh Mukhtaar Roobow.
Waxaa soo ifbaxaya in Guddoomiye Mursal uu aad ugu dhegan yahay saddex qodob, diideyna inuu wada xaajood ka geli doonin.
Qodobada uu Guddoomiyaha ka biya diidan yahay ayaa waxaa ka mid ah
1- in Ciidamada la geeyey Baydhabo dib loo soo celiyo
2- In uu tartamo Mukhtaar Roobow oo aan Musharaxnimadiisa laga hor istaagin
3-Â In Guddiga Maaliyadda ee Golaha shacabka ay shaqadooda wataan
Madaxda Sare ee dalka ayaa lagu soo waramaya in ay Gudoomiyaha ka codsadeen in uu ka tanaasulo qodobadda qaar, waxaana Gudoomiye Mursal uu ku adkeystay in la fuliyo qodobaddaasi.