Home Warar Khilaaf Hor Leh Oo Soo Kala Dhex-Galay Hoggaanka Sare Ee Puntland

Khilaaf Hor Leh Oo Soo Kala Dhex-Galay Hoggaanka Sare Ee Puntland

276

Madaxeynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey ayaa isku khilaafay Guddiga xalinta khilaafkaadka ee soo xulidda xubnaha Baarlamaanka Puntland.

Gaas ayaa shalay magacaabay Guddi isaga u gaar ah oo uu ku sheegay xallinta Khilaafaadka ee doorashooyinka Xildhibaannada.

Waxaa isna xalay Guddi kale oo uu ku sheegay xallinta Khilaafaadka magaacabay Cameey,waxaana jira khilaaf  hor leh oo madaxda Puntland ka dhex jira iyada oo doorashada madaxtinimada ay ka harsan tahay bil kaliya.

Cameey ayaa sheegay in sababta uu Guddiga uga daba magacaabay Gaas ay tahay in aan isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka lagala tashan, Guddiga uu isaga magacaabayna ay heystaan oggolaanshaha Baarlamaanka iyo Odayaasha dhaqanka.