Wararka laga helayo gobolka Sh/ Dhexe ayaa sheegaya in Fatahaado hor leh Wabiga Shabelle uu ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolkaasi.
Wabiga ayaa Saacadihii la soo dhaafay ku Fatahay Tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Guddoomiye ku xigeenka Tuulada Far-Barako Nuur Iimaan (Nuur Daarood) ayaa ka warbixiyay xaalada fatahaada wabigga shabeelle iyo saameynta uu ku yeeshay dadka deegaanka.
Waxaana uu sheegay inay si weyn u saameysay Fatahaadahaada wabiggu dalagii Beeraha iyo sidoo kale nolosha dad badan oo ku dhaqan deegaanadaasi.
Sidoo kale fatahaada wabiga waxaa uu barakiciyay qoysas badan oo ku noolaa deegaanada uu ku fatahay wabigu.