Sunday, April 19, 2026
HomeWararDibaddaWabiga Shabeelle oo ku tahay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

Wabiga Shabeelle oo ku tahay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

Shabeelle ee dhexmara degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa bilaabay inuu ku fataho xaafado ka tirsan magaaladaas.

Wabiga ayaa saacadahii lasoo dhaafay karkaarada ku jabsaday qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Fatahaada uu ka sameeyay wabiga degmada Jalalaqsi ayaa waxaa ku barakacay boqolaal qoys oo markii horaba la daalaan dhacaayay la dagaalanka nolol maalmeedkooda.

Maamulka degmada Jalalaqsi oo ka hadlay fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid xaafadaha magaaladaas ayaa dalbaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro dadka ku barakacay fatahaada.

Fatahaadaan ku dhufatay Jalalaqsi ayaa kusoo beegmeysa, iyado magaalooyinka Baledweyne iyo Buulaburte intooda badan wali dadkii dagana ay ka maqan yihiin guryahooda kadib markii fatahaada ay si weyn u saameysay labadaasi magaalo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe