Warbixin uu soo saaray Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayuu ku dalbaday in gargaar deg deg ah lala gaaro shacabka Soomaalida ah .
Warbixinta Ururka waxaa lagu sheegay in Xafiiskiisa Muqdisho oo kaashanaya dowladda Soomaaliya,Hay’adaha samafalka ee Muqdisho iyo kuwa caalamiga ahba ay ogaadeen in dhibaato badan ka dhalatay roobka Guga ee ka da’ay gobollada Koofurta iyo Fataahadda Wabiyada oo ay sababtay Dhulka sare ee Itoobiya biyaha ka soo rogmaday.
Waxaa uu sheegay in Ururka uu gargaar isugu jira Raashin,Biyo iyo hooy ku meel gaar ah ka qeybiyay goobaha ugu nugul ee ay saameeyeen Fatahaadaha wabiyada Jubba iyo Shabeelle iyo Roobka Guga.
Hay’adaha samafalka iyo Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortagga musiibooyinka ayaa sheegay in qiyaasta dadka ay saameynta taban ku yeesheen fatahaadaha ay gaarayaan 700,000 oo qof.