Wararka Ka Imaanaya Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari Ayaa Waxa Ay Sheegayaan In Puntland Sii Deysay Maxaabiis U Dhalatay Dalka Iran.
Maamulka Puntland ayaa maanta siidaayay 17; Maxaabiis ah oo u dhashay Dalka Iraan kuwaas oo horay looga qabtay Xeebaha Maamulka.
Maxaabiistan waxaa lagu eedeeyay in ay kalluumeysi sharci darro ah ka wadeen Xeebaha Maamulka Puntland,waxaana maanta ay dib u heleen xorriyaddoodii.
Waxaa lagu eedeeyay inay Xeebaha Maamulka Puntland ka sameynayeen kalluumeysi sharco darro ah,waxaan gacanta ku dhigay ilaalada xeebaha ee Puntland.
Wasaaradaah kalluumeysiga iyo Maaliyadda ee Puntland ayaa maxaabiista Reer Iraan maanta fasaxay kaddib markii la ganaaxay islamarkaana waqti lahayay.