Tuesday, April 21, 2026
HomeWararUganda oo taliye cusub u soo magacawday ciidankeeda jooga Soomaaliya

Uganda oo taliye cusub u soo magacawday ciidankeeda jooga Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa Taliye cusub u soo magacawday ciidankeeda jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Gen. Don William Nabasa ayaa bedeli doona Gen. Richard Otto, oo muddo sanad hoggaanka u hayay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Munaasabad kooban oo xilka kula wareegayay Gen. Don William Nabasa ayaa sheegay in sida ugu wanaagsan uu shaqadiisa kaga soo bixi doono.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee Ciidamada AMISOM, waxaana ay ka howlgalaan Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Taliska ugu weyn ee Xalane.

Ciidamada Uganda ayaa ah Ciidamada ilaalada ka haya Madaxda ugu sareysa dalka, sida Xafiiska Madaxtooyada, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xarumaha kala duwan sida Garoonka diyaaradaha iyo Dekeda Muqdisho.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe