Sunday, October 13, 2024
HomeWararUganda Oo Ciidamo Dheeraad Ah U Direysa Soomaaliya.

Uganda Oo Ciidamo Dheeraad Ah U Direysa Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Ciidamo dheeraad ah ay u soo direyso Soomaaliya si ay qeyb ugu noqdaan howlgalka AMISOM ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Uganda David Muhoozi, oo ciidamadan la dardaarmayay ayaa sheegay in Al-shabaab lala dagaallami karo lagana adkaan karo, haddii Ciidamada ay u dhaqmaan sida loo tababaray.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Uganda ee ku biiraya Howlgalka AMISOM ay qaateen tababar lix bilood ah oo ah sida loo dagaallamo, la isu difaaco, loona fuliyo howlgallada.

Ciidamada loosoo dirayo Soomaaliya ayaa ka tirsan qeybta 26aad ee Ciidanka Difaaca Uganda kuwaas oo xaruntoodu tahay degmada Nakaseke ee Dalka Uganda.

David Muhoozi, ayaa ka codsaday Ciidanka in ay ku dhaqmaan akhlaaq wanaagga la baray,kana fogaadaan in ay sumcad xumo kala kulmaan Dadka Soomaalida ah.

Al-shabaab ayaa bishii April ee Sanadkan 8 ka mid ah Ciidamada Uganda  ku dilay Gobolka Shabeellaha hoose halka ay lix kale ku dhaawacmeen.

Uganda waxaa ay ka mid tahay Waddama Ciidamada ugu badan ku leh howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe