Wednesday, May 6, 2026
HomeWararGudahaUgaaska Beesha Sade oo Cambaareeyay Hanjabaadaha Dowladda Federaalka ee ku aadan Hubka...

Ugaaska Beesha Sade oo Cambaareeyay Hanjabaadaha Dowladda Federaalka ee ku aadan Hubka Sharci darada ah ee lagu qabtay Caabudwaaq.

Ugaaska Beesha Sade ee Beesha Mareexaan Maxamed Ugaas Axmed ayaa Dowladda Federalka Somaliya ku dhaliilay inay u hanjabtay dadka deegaanka ee hubka sharci darrada ah ku qabsaday Gobolka Galgaduud, isagoona taasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah.

Ugaas Axmed ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay iska indha tirtay khatarta ay dadka deegaanka ku qabsadeen hubkaasi oo uu sheegay in la doonayay in lagu xasuuqo.

Wuxuu intaas ku daray in dhammaan beelaha Soomaaliyeed ay yihiin kuwo hubeysan isla markaana aysan jirin wax hub ka dhigis ah oo lagu sameeyay koox kasta.

“Sida la wada ogsoon yahay, koox abaabulan oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah ayaa sahay ciidan soo galiyay Waqooyiga Galgaduud July 16, 2024. Hubkaas oo aan lagu soo wargelin madax dhaqameedka, maamullada deegaanka, iyo guud ahaan shacabka ayaa qarka u saarnaa inuu dhaco. oo gacanta u galay kooxo khatar ah, oo khatar ku ah amniga gobolka, Galmudug, iyo guud ahaan dalka,” ayuu yiri G/sare Maxamed.

Ugaaska Beesha Sade ee Beesha Mareexaan ayaa sheegay in ciidamadii galbinayey hubkan ay ku guul dareysteen in ay wax ka qabtaan amniga dadka deegaanka. Taas beddelkeeda, sida uu sheegay, waxay kaga jawaabeen xasuuq ay ku dhinteen 12 qof, 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ugaas Axmed ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka in ay si deg deg ah wax uga qabato dadkii ku dhintay deegaanka Shilmado ee degmada Caabudwaaq.

QORAALADA LA XIRIIRA

4 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe