Wednesday, January 22, 2025
HomeWararThe Guardian Oo Shaacisay In Dad Rayid Ahaa Lagu Xasuuqay Weerarkii Sh/...

The Guardian Oo Shaacisay In Dad Rayid Ahaa Lagu Xasuuqay Weerarkii Sh/ Hoose.

Sida uu qoray Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska waxaa ay Ciidamada gaarka ah Mareykanka iyo kuwa DFS ay todobaad ka hor dad rayid ahaa ku dileen howlgallo ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Wargeyska oo soo xiganaya Goobjoogayaal la hadlay ayaa xusay in dadka la dilay oo gaaraya illaa 5 ruux ay haayeen dad isugu jira Beeraley iyo Xoolo Dhaqato.

Maxamad Sheekh Maxamuud oo ah Goobjooge u warramay the Guardian ayaa sheegay in 5 Qof ee la dilay ay ahaayeen dhammaan dad Rayid ahaa, islamarkaana ay laayeen Ciidamo ka soo daatay diyaarad Helicopter ah oo halkaasi ku soo degtay.

Waxaana uu intaasi ku daray in Ragga la dilay labo ka mida ah ay ahaayeen Darawalada Gaadiidka loo yaqaano Cagaf Cagafta ,halka 3 kalena ay ahaayeen Xoolo Dhaqato.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa horay u sheegay in ay baarayaan weerarkaasi oo ka dhacay deegaanka Bulcid ee gobolka Sh/ Hoose, waxaana ay sheegeen in bartilmaameedka weerarkaasi uu ahaa in ay la beegsadaan dagaalyahannada Al Shabaab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe