Friday, February 14, 2025
HomeDhageysiDhageyso:-Muuse Biixi Oo Wefdi Ka Socda Czech Republic Ku Qaabilay Hargeysa

Dhageyso:-Muuse Biixi Oo Wefdi Ka Socda Czech Republic Ku Qaabilay Hargeysa

Madaxweynaha Maamulka Soomaliland Ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Maamulkaasi Waxa Uu kula Kulmay Wefdi Ballaaran Oo ka Socda Dalka Chec Republic kulankaasi Oo Saacado Badan qaatay.

Muusa biixi Cabdi Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ayaa Kulanka Waxaa Ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Maamulka Soomaaliland Dr. Sacad Cali Shire Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo ka Tirsan Soomaaliland.

Labada dhinaca Ayaa Intii uu Kulanku socda Waxa Ay Si Qoto dheer Uga Wada Hadleen Arrimo dhawr Oo Ay Ka Mid Yihiin Xariirka Soomaaliland Wadanka Czech Republic, Waxbarashada Iyo horumarka.

Kulanka Ayaa Dhamaan Qodobadii looga Wada-hadlay waxa Ay ahaayeen Kuwa Kuwo Mira dhalay waxaana War-baahinta U akhriyey Afhayeenka Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland Mudane Maxamuud warsame jaamac.

Wefdigaan Ka Socday Wadanka Czech Republic Ee Hargeysa Kulanka Kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliland ayaa Waxaa Ka Mid Ahaa Wasiir ku xigeenka Warshadaha dalkaasi iyo Safiirka Dawladda Itoobiya U Fadhiya Czech republic.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe